|

Ciidamada Gobolka Bay oo garab ka helaya kuwa Itobiya oo shabaab kala Wareegay Tuulada Boodis Xabaal Bar-baar..

Wararka ka imaanaya saakay Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay sacadihii la soo dhaafay Guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan shabaab kadib markii ay la wareegeen Goobo hor leh.

Ciidamada Itobiya oo garab siinaya kuwa Gobolka Bay ee Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay shalay Deegaano badan sida uu soo sheegayo Wariyaheena Gobolkaas Nooga soo Warama.

Sida uu Saxaafada u sheegay Col. Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa sheegay in shabaab ay kala Wareegeen Deegaano badan ayna ka Dileen ku dhawaad 20- Ciidan ah, waxa uuna sheegay in ay Hub k qabsadeen.

Sidoo kalae Sarkaalka ayaa sheegay in ay shabaab kala Waregeen Deegaano ay ka midyihiin  tuulada Boodis Xabaal Bar-baar iyo Deegaano kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Ciidamada u dhaqaaqeen dhinaca Iidaale, isla markaana maalmaha dhow ay qorsheynayaan inay tagaan degmooyinka Gobolka Bay ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Shabaab ayaa 48 saac ee la soo dhaafay waxay Ciidamada amisom iyo kuwa Dowlada kala wareegeenb Deegaano muhiim u ahaa shabaab oo ay ka midtahay Gobolka Sh.dhexe.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*