|

Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Soomaaliland oo u sheegay caalamka in Somaliland ay Nabad tahay..

Madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo ayaa shaaca ka qaaday in amaanka Somaliland uu yahay mid la isku halayn karo.

Siilaanyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amaanka Soomaaliland gaar ahaan Hargeysa iyo hareeraheeda la sugay, wuxuuna sheegay inay gacanta ku hayaan ciidamada amaanka dalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in hadaladii dhawaan ka soo baxay Mareykanka iyo Ingiriiska ay ahaayeen kuwo lagu wiiqayo awooda Siyaasada Soomaaliland, isagoo ajaaniibta ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan Hargeysa.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*