|

Sida ay sheegayan wararka laga helayo Laamaha socdaalka dalka Nederland gelinka dambe maanta ayaa la filayaa markii ugu horeysay tan iyo 2010 ka in qaxooti soomaaliyed dib loogu celiyo dalka soomaaliya.

Sida ay sheegayan wararka laga helayo Laamaha socdaalka dalka Nederland gelinka dambe maanta ayaa la filayaa markii ugu horeysay tan iyo 2010 ka in qaxooti soomaaliyed dib loogu celiyo dalka soomaaliya.

Qoraal ay sii deysay Hay’ad inta badan gargaarta dadka soo galootiga ku ah dalka Nederland Vluchtelingenwerk ayaa tallaabada Dowladda Nederland ku celinayso qaxootiga soomaalida ku tilmaantay mas’uuliyad daro aad u weyn waxayna walaac ka muujisay xaalada dadka lagu celinayo dalka aan deganaanshaha ka jirin 21 sano laga soo bilaabo 1991 dii markaas oo Jabhadihii hubeysanaa xukunka ka tuureen Jen Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya Maamulayay 21 sano.

Hay’addan ayaa sheegaysa in xaalada amaan ee soomaaliya ay tahay mid aan la isku halayn karin oo weli qas ka taagan yahay dalka isla markaana aysan jirin dowlad dhexe oo amaan ah.

Qeybta Labaad Qaxootiga la celinayo ayaa la qaadi doona maalinta sabtida ah sida ay sheegayan wararka laga helayo Laanta socdaalka IND ee dalka Nederland.

Ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaaliyed ayaa ku dhibaataysan dalka Nederland kuwaas oo qaarkood jooga Holland 5 sano balse laga diiday codsigooda maqangalyo waxaana laga soo saaray dadkaas oo isugu jira rag iyo dumar xeooyinka lagu xanaaneeyo dadka qaxootiga ka hor inta aysan helin sharciga kadibna marka ay sharciga qaatan la dejiyo guriyo.

Xigasho

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*