|

Korneel Cismaan Dubad Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan oo sheegay in amaanka Gobolka Hiiraan ay sugeen..

Ciidamada Jabuuti eek u sugan Gobolka hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne ayaa Xaqiijiyay in ay sugan tahay amaanka Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Korneel Cismaan Dubad Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan oo saxaafada la hadlayay in amaanka Gobolka uu yahay mid wanaagsan ayna Qaxiijiyeen Ciidamada Jabuuti.

Taliyaha ayaa sheegay in istiraajiyad ay ku hananayaan Ammaanka Gobolkaasi Hiiraan ay sameeyeen taasi oo uu ka carab dhaway In ay Xareeyeen Maleeshiyaadkii  hubeysnaa oo ku sugnaa Gudaha Magaaladaasi Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Korneel Dubad ayaa Xusay in 14 Ka Beelood ee Deggan Gobolkaasi ay u qabteen shirweyne si ay uga dhaadhiciyaan ka shaqeynta Ammaanka Gobolkaasi Hiiraan iyo sidii wada shaqeyn wacan ay u dhexmari lahayd Bulshada Gobolkaasi Hiiraan iyo Ciidamada Midowga Afrika ee ka howl gala Gobolkaasi.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*