|

Gaarigii ugu horeeyay ee aan xabaddu karin laga soo dajiyay magaalada Kismaayo, iyo Igad oo ugu tala gashay Madaxweynaha Maamulka Jubba land..

Wararka naga soogaaraya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in gaarigii ugu horeeyay ee aan xabaddu karin laga soo dajiyay magaalada Kismaayo, xili ay halkaasi ka socdaan qabanqaabada shirka lagu yagleelaayo maamul goboleed ay yeeshaan labada Jubba iyo Gedo.

Gaarigaasi  ayaa sida ay u sheegeen ilo wargal ahi waxaa mulkiyaddiisa la gudoonsiiyay gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Kismaayo ahna hogaamiya Kaambooniyiinta, Sh. Axmed Madoobe. Ahna ninka la filayo inuu ku soobaxo jagada madaxweynaha maamulka halkaasi laga dhisayo.

Sida warku sheegayo Waxaa soo gaday gaarigaasi, maamul goboleedka IGAD oo qeyb weyn ku leh sameynta maamulka laga yagleelayo magalada kisamaayo ,kuwaa soo sidoo kale balanqaaday inay bixinayaan gadiidka lagu soo daadgureynayo ergooyinka shirka kaqeybgalaya sida uu sheegay wadaad lagu magacaabo sheikh xasan oo sheegay in dhawaan ay ergooyinka shirkaasi ka qeybgalayaa ay soogaarayaan magaalada kisamaayo wuxuuna intaasi ku daray in diyaarado ay qarashkooda bixineyso igad ay ergooyinka keenayaan ka hor waqtiga loogu talo galay inuu shirku furmo oo ku aadan sida uu yiri 23ka bishaaan isagoo xusay in waqtigaasi aan xittaa halsaac dib looga dhigidoonin .

Dhinaca kale magaaalada kisamaayo  Kismaayo waxaa ka socda dhaqdhaqaayo siyaasadeed oo ay wadaan ragga uu damacu kaga jiro inay u tartamaan jagooyinka sarsare ee maamulka halkaasi laga dhisayo ,waxaana sida warku sheegayo ay siyaasiyiintaasi kulamo gooni gooni ah la yeelanayaan qaar kamid mid ah beelaha halkaasi ku sugan iyo odayaal iyo waxgarad kala duwan si ay umiisaamaan taageerada ay ka helikaraan haddiiba shirkaasi qabsoomo beelaha dhexdooda

Masawirada siyaasiyiinta loolanka ugu jira inay xilal kaqabtaan maamulka lagu wado in lagu dhiso shirka kismaayo la qorsheeyey inuu ka dhaco 23-ka bishaan ayaa lagu arkayaa iayagoo kamuuqda gidaarada  iyo goobaha farsamagaalada u ah magaaladaasi, illaa iyo hadda musharixiinta ugu cadcad hanashada xilka madaxtinimada maamulka halkaasi lagu dhisayo haddiiba uu qabsoomo shirka loo madlanyahay ayaa lagu sheegayaa sheikh axmed madaoobe kaas oo hadda ah gudoomiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada kismaayo waxaana haddii ay dhabowdo in gaari aan xabaddu Karin ay IGAD  gudoonsiisay ay taasi ka dhigeysaa inuu isaga shaki laa,aan ku soobixidoono madaxweynaha maamulka kismaayo laga dhisayo inkastoo aan warkan si rasmi ah loo xaqiijin.

Xigaso maalinle.com

www.Nuxur.com

Cabdixakiin441@Hotmail.Com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*