Isticmaalka Mukhaadaraadka Oo Ehel U Noqda Bur-Burka Qoyska
Khubaro ku xeel dheer ayaa sheegay in Isticmaalka Mukhaadaraadka uu yahay qodobka qudha ee sababa Bur-burka Qoyska, Haddaba Khabiir Nasrudiin Bin Suldaan oo u dhashay dalka Saudiga ahna Khabiir wax ka qoraha arrimaha Qoyska ayaa sheegay in Qodobadda soo socda ay Kow ka yihiin kuwa Bur-buriya dhismaha Qoyska waxa uuna ku sheegay Qodobadaasi sidan:-
1- Isticmaalka Qaadka waxa uu Khabiirka ku sheegay inuu yahay qodob cadow ku ah Dhismaha Guriga barakeysan.
2- Khabiir Nasrudiin waxa uu sheegay inay jiraan Hooyooyin iyo aabayaal isla wadaaga Mukhaadaradka waxa uuna sheegay in taasi ay tahay mid aan dhiseynin Ehelka
2- Waxa uu Khabiirka sheegay in Ehelka isticmaala Mukhaadaraadka Qeybihiisa kala duwan ay sababi karaan in Caruurtooda ay iyaguna bartaan isticmaalka Mukhadaraadka
4- waxa uu sheegay in dhinaca Aabaha iyo Hooyadda uu yahay mid ay sabab u noqon karto in caruurtuna ay kamid noqdaan isticmaaka.
5- waxa uu sheegay in guriga laga isticmaalo mukhaadaraadku aanu dhisnaanayn muddo dheer.
6- waxa uu sheegay in qoys waliba ay ehel u noqdaan wanaaga balse ay bur-burineyso isticmaalka Mukhaadaraadka
7- Khabiirku waxa uu sheegay haddii aad mukhaadaraadka ku isticmaasho hoygaada ay ka maseerayan xaaska iyo caruurta iyaguna waxa ay noqonaayan kuwa isticmaala muqaadaraadka. (7)
