Ciidamada amisom oo sarkaal ka Tirsan Dowlada Soomaaliya ku Dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaari Dul Mariyay…
Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in Kolonyo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM aya xalay Rasaas ooda kaga qaadeen Ciidamo ka Tirsan Dowlada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca soo gaaray sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada uu ugu geeriyooday Xalaya Markii dhaawaca la keenay isbitaalka madiina ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo ka tirsanaa Guutada 3aad ee Ciidamada xooga dalka ayaa lagu magacaabi jiray C/salaan Sheekh Maxamuud Hilowle, iyadoo kolonyada ay wateen Ciidamada ku jiirtay nawaaxiga Carbiska.
Sidoo kale Ciidamada amisom ayaa inta Badan waxay gaadiidka Dul marsiiyaan shacabka Muqdisho oo aysan u aaba Yeelin kuwaas oo si ula kac ah marar badan u Dul maray gaadiid shacab ay leeyihiin, waxa uuna Noqonayaa sarkaalkaan ay gaarigiisa Dul marsiiyeen amisom kii ugu horeeyay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hogaanka amisom oo ku aadan sarkaalkan ay Dileen iyo siday wax u dhaceen oo faah faahsan.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
