|

Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya oo ku adkaysatay Diidmada Ciidamada bada Kenya la maalgaliyo iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kala Kulmay arintaas waji gabax, Xog Hoose..

Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya oo shalay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho kadib markii shir ay uga Qeybgashay magaalada Washiton DC  kaasi oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, ayaa ka hadashay arimo badan.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku adkaysatay in Q.midoobay ay kala hadashay in aysan maalgalin siinin Ciidamada bada Kenya oo rabay in ay dhaqaale aad u badan ka qaataan  Beesha caalamka, ayaga oo sheegay in ay la dagaalamayaan shabaab iyo Burcadbadeeda.

Hadalkaas ay shalay mar kale shaacisay wasiirada ayaa waxa uu ka hor imaanayaa hadal uu maalmo ka hor saxaafada siiyay Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya kaasi oo sheegay in Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya aysan is hor taagin Qorshihii ay dawlada Kenya ku doonaysay $10 milyan, kaasoo ay rabtay Kenya inay u ansixiyaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ameerico ayaa u muuqda Xiligan in uu Hadalkii ka soo yeeray wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya uu ka dhigay wax aan jirin asaga oo Qancinaya Dowlada Kenya.

Hadalka ka soo Yeeray Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu soo daabacay Wargeyska The Daily Nation ayaa shalay la waydiiyay Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya, waxayna sheegtay in arintaas ay mar kale ka hadli Doonto.

Hadalkii ka soo yeeray safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay dhabar jab ku ahayd hadalkii Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya ahna Raisal wasaare ku-xigeenka oo ahayd in Beesha caalamka aysan lacagtaas siinin Dowlada Kenya oo la dhiso Ciidamada Mareeniska bada ee Soomaaliya.

Sidoo kale Hadalka safiirka Soomaaliya ayaa yimid xilli ay Warbaahinta dalka Kenya si wayn uga hadlaysay diidmadii Soomaaliya ee ku aadanayd in ciidamo Afrikaan ah ay ilaaliyaan badaha Soomaaliya, iyadoo qaar kamid Keenyaatiga ra’yigooda dhiibanayayna ay aad uga xumaayeen tallaabada Soomaaliya Dowlada Soomaaliya ay gaartay.

Danjire amerika ayaa u muuqday markii uu arintaan ka hadlayay mid laab qaboojinaya ama Qancinaya Dowlada Kenya Balse meesha ka saaray Hay’ad dhan oo muhiim u ah Qaran Soomaaliyeed taasi oo ah Wasaarada arimaha Dibada Soomaaliya.

Dhinaca kale  Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji,oo ka hadashay kulanka ka dhacay magaalada New York,waxay si weyn ugu gacan seertay dalabka Kenya ka yimid oo ahaa ciidamada Badda Kenya lagu maalgiliyo xeebaha Soomaaliya si ay ilaalo ugu qabtaan islamarkaana AMISOM ay qeyb kaga noqdaan.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya ee uu safiirka ka yahay Danjire Cali amerka ayaa waxay qabatay Howlo badan, Balse waxay inta badan ku talax Tagtaa Siyaasada arimaha Gudaha iyo arimaha Dibada, Taasi oo meesha ay ka Muuqato Paratakool Xumo ku aadan safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo habacsanaan ku aadan safaarada Soomaaliya ee Kenya oo Xiligan u muuqata in Hogaankeeda uu sii liicayo.

Safiirka Soomaliya ee Kenya ayaa 90-cisho ka hor waxa uu ka hadlay dhuxusha laga dhoofiyo magaala Xeebeedka Kismaayo, taasi oo ah shaqo ay leedahay Wasaarada  arimaha Gudaha  Xukuumada Soomaaliya, taasi oo u Muuqata dhibaatadii Soomaaliya Dilootay 20-sano ee la soo dhaafay oo ahayd is bar bar yaac iyo Paratakoolka oo Lumay.

Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya ayaa hadalka ka soo Yeeray Danjire Cali amerika waxay ka qaaday Caro Xoogan, taasi oo laga yaabo in shaqaalaha safaarada Soomaaliya ee Kenya ay waayaan haykalkii iyo sharaftii ay lahaayeen, madaama ay meel uga dhaceen.

Cabdixakiin   faarax

Email-Runsheeguk7@hotmail.com

www.Nuxur.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*