|

Bam Gacmeed laga Tuuray gaari nooca raaxada ah oo xalay lagu Weeraray biibito ka soo horjeeda saldhiga Booliska Waaberi..

Warar kala Duwan ayaa ka soo Baxaya Qarax xalay lagu Weeraray afaafka hore ee biibito ka soo horjeeda saldhiga Booliska Waaberi oo ku yaala inta u dhexeysa labada isgoys ee shaqaalaha iyo dabka ee wadada Maka Al Mukarama.

Qaraxan oo ahaa Nuuca gacanta laga Tuuro ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari Nuuca raaxada ah, waxana la sheegay in Qaraxaas uu  qasaare ka soo gaaray Ciidamo ka Tirsan Dowlada Soomaaliya  iyo shacab halkaas joogay.

Wararka ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya uu halkaas ku dhintay waxaana ku dhaawacmay Tiro shacab ah oo gaaraya ilaa 5 qof oo meesha ka dhawaa.

Sidoo kale Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobtaas ku soo baxay ciidamada Booliska saldhiga Waaberi oo halkaas ku yaala, kuwaasoo muddo kooban hakad geliyey socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Maka Al-Mukarama, kadibna baaritaano ku hayay gaadiidka kala Duwan.

Cabdixaiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*