|

Kulan Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyada Kenya iyo Hanjabaadii Madaxa Cadaalada oo Kenya Gil-gishay

Madaxa cadaalada dalka Kenya Willy Mutunga ayaa maalin kahor shaaca ka qaaday in loogu hanjabay in la dili doono taas oo xaalad siyaasadeed oo xoogan ka abuurtay gudaha dalka Kenya.

Sargaalkan ayaa sheegay in loogu hanjabay in la dili doono iyadoo cida uhanjabtayna uu ku sheegay Kooxda laga mamnuucay dalka Kenya ee Mugiki.

Saraakiisha sare sare ee gudiga amniga qaranka Dalka Kenya ayaa haatan ku jira kulan dagdag ah oo ay uga baaraan dagayaan hadalkii ka soo yeeray madaxa cadaalada Kenya Willy Mutunga ee ku saabsanaa in naftiisa ay qatar ku jirto.

Madaxa shaqaalaha dowlada kenya Francis Kimemia ayaa shir gudoominaya kulankan gaarka ah oo ka dhacaya aqalka madaxtooyada dalka Kenya ee  Harambee House.

Mr Kimemia ayaa isugu yeeray xubnaha gudiga amniga qaranka ka dib markii madaxa cadaalada  Kenya Dr Willy Mutunga uu sheegay in ay u hanjabeen kooxda la mamnuucay ee Mungiki.

Mr Kimemia oo kulanka ka hor saxaafada la hadlay ayaa sheeagay in xiligan oo ololaha doorashada Kenya uu sii kululaanayo aan hanjabaada madaxa cadaalada aan loo qaadan karin wax sahlan.

Marka uu soo dhamaado kulanka ay ku jiraan iminka gudiga amniga qaranka ayaa waxaa lagu wadaa in ay bayaan kasoo saaraan hanjabaadaas.

Hanjabaadii uu dhawaan sheegay in loo jeediyay madaxa cadaalada kenya Dr Wily Mutunga ayaa waxa laga bixiyay jawaabo kala duwan.

Dacwad soo oogaha kenya Kariyaako Tobiko ayaa waxa uu warqad u qoray taliyaha guud ee booliska kenya David Kimaayu taasi oo uu ku amrayo in baaritaan dagdag ah la bilaabo lana ogaato hanjabaadaas.

Tobiko ayaa amar ku siiyay taliyaha guud ee booliiska in arintan baaritaankeeda si aad ah loo dadajiyo lagana keeno cadaymo dhab ah oo ku aadan hanjabaada.

Dhanak kale madaxwayne ku xigeenka dalka kenya Kalonzo Musiyoka ayaa ku baaqay in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo hanjabaada uu sheegay madaxa cadaalada ee Kenya in loo geystay.

Mudane Musiyoka ayaa farta ku fiiqay in arintan aan la sahlan  islamarkaana baaritaan madax banaan la furo oo lasoo ogaado hanjabaadaas iyo kuwa gaystay.

Dhanka Isbahaysiga Jubillee oo tartan xoogan ugu jira doorashada soo aadan ayaa  iska fogeeyay dhacdadan sheegaysa in loo hanjabay Mr Mutunga waxaa ayna shegeen in Mutunga iyo garsoorka Kenya ay kalsooni ku qabaan.

Ku xigeenka musharaxa madaxwaynaha Isbahaysiga Jubillee Uhuru Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in haba yaraatee wax kalsooni dara ah aysan ku qabin garsoorka islamarkana ay ku faraxsanyihiin isbadalka garsoorka.

Ruto ayaa ku baaqay in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo cag juglaynta uu madaxa cadaalada sheegay in loo gaystay si xaqiiqada loo ogaado.

Sidoo kale ururka shaci-yaqaanada dalka Kenya ayaa dhankooda ku tilmaamay caga juglaynta iyo hanjabaada uu sheegay in loo gaystay madaxa cadaalada in ay tahay mid aan la fududeysan karin.

Madaxa cadaalada dalk Kenya Dr Wili Mutunga ayaa  sheegay in uu helay warqad hanjabaad ah oo sida uu sheegay ka timi dad isku tilmaamay in ay yihiin Mungiki.

Hanjabaadaas ayaa kusoo aadaysa xili 4-ta bisha soo socota ee March la qabanayo doorasho laga cabsi qabo in ay sababto rabshado lamid ah kuwii Kenya ka dhacay doorashadii 2007-dii, Inkastoo masuuliyiinta Kenya ay ku cel celiyeen in amaanka doorashada iyo guud ahaanba Kenyanka la sugi doono.

Xigasho

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*