|

Qarax Qasaare ka soo gaaray Ciidamada Dowlada oo saakay ka dhacay Yaaqbariwayne iyo Leego..

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in saakay halkaas uu ka dhacay Qarax aad u wayn oo ahaa Nuuca Miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Deegaanada yaaqbariwayne iyo leego, waxaana la sheegay in lala eegtay Qaraxaas Ciidamada Dowlada oo halkaas Marayay.

Dadka Deegaanka oo la hadlayay Bogan Nuxur.com ayaa sheegay in Qaraxan uu ahaa mid aad u xoogan uuna dadka Deegaanka Hurdadii ka Kiciyay saakay Markii waagu baryay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Qaraxaas, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya si ay meesha uga qaadaan dhaawaca iyo maydka.

Ciidamada Dowlada ayaa usbuucyadii la soo dhaafay Waxay Weeraro Xaga Miinada ah kala kulmayeen Ciidamada shabab oo awoodooda la Wiiqay Sanad ka hor Markii laga saaray Deegaano badan oo Muhiim ah.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*