|

Soomaalida Norway oo lacag u aruuriyey walaalahoodda Ku dhibaateysan Wadankii Hooyo.(DAAWO FIIDIYOW)

Barnaamijka gurmadka abaaraha Soomaaliya ee dalka Norway oo socdo mudo usbuuc ah, ayaa maanta lagu soo xeray qeybtii kowaad oo ahayd mid dadka lagu booqanayey guryahooda, goobaha ganacsiga iyo wadoonyinka magaalooyinka oslo iyo agaheeda.

Barnaamijka Gurmadka ayaa ahaa mid kii ugu horeeyey ee nuuciisa oo rag dhalinyaro ay abaabuleen, waxaana laga dareemayey shucuur badan oo ku aadan dadka abaaraha dhibaateeyeen, dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Cariga Norway ayaa isku dayey karaankooda muujiyeyna dadaal dheeraad.

Lacag uruurinta ayaa bilaabatey maalintii Isniinta ahayd halka maanta oo isniin ah lagu soo gabgabeeyey qeybta wareegida wadooyinka oslo, wallow ay weli laga suagayo magaalaooyinka qaar oo howsha gadaal ka bilaabey.

Mahad oo dhan waxay u sugnaatey Allah, waxaa sidoo kale xusid mudan saxaafada oo si xowli ah uga qeyb qaadaneeysey ayagoo gudanayo waajibaadkooda ku aada walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada gaartey.

Waxaa hadda socdo wado tashiyo fara badan oo gudigga gurmadka abaaraha kula tashanayaan Odoyaasha iyo wax garadka iyo qaasatan dhalinyaradii abaabushey barnaamijka gurmadka abaaraha.

Codsi iyo waajib

Walaalaha waxaa ladinka codsanayaa in aad waxii fikir ah ee ku aadan qaabka dadka wax ugu tari lahayd lacagtaan, wallow ay yartahay lacagta hadana wax badan ay qaban kartaa hadii si wanaagsan loo maareeyo, marka walaal ka dhiibo fikirkaada sidee kula tahay ileen waa waajib ku saaran in aad ku caawisid walaalahaa dhaqaalahaada, xoogaada iyo fikirkaada fadlan qeybta hoose ku qor waxii talo ah iyo saxid.

Waxaad kala xiriiri kartaa Gudiga Gurmadka abaaraha Soomaaliyeed ee dalka Norway

kala soco waxii dhaqaale ah ee kusoo kordha  iyo qaabka loo gaarsiin doono dadka dhibaateysan.

Waxaad idiinsoo gudbin doonaa    xeritaanka barnaamijka tabaruca haduu alla idmo




Tags: , , ,

5 Responses for “Soomaalida Norway oo lacag u aruuriyey walaalahoodda Ku dhibaateysan Wadankii Hooyo.(DAAWO FIIDIYOW)”

  1. XAGALEEY says:

    maashss allaah. walaaluhu way dadaaleen waxaana ilaaheey uga baryeynaa inuu xasanaad ugu bedelo hawsha adag ee ay qabteen . intii bixisayna sidoo kale ayaan ugu duceyneynaa inshaa allaah.

  2. Hirabe says:

    taladaydu waxay tahay dhibaatada dunida aan ku noolnahay ka dhacdaa waa mid sunno ah waxaan ula jeedaa waa wax laysku imtixaanaayo balse fikrada dadka ku abuurane waxay ka fekeraan si aysan markale dhibkaan oo kale uga diktoonaadaan ee hadii aan soomaali nahay maxaan u la’nahay fikir dheer oo wax tar leh oo noo sameeya sida ( intayna biyo ku soo gaarin ayaa layska muusaa ) ku dhaqankeeda, saa dhibka abaaruha waa mid nagu soo noqnoqda 10 sanaba mar ama 2 mar.

  3. aamina says:

    asc walalayaal aniga fikirkaygu wuxuu yahay sadaqadan la aruuruyay in lageeyo meelaha ugu abaaraha badan dhulka soomaaliyeed meeshay doontaba ha noqotee idionkana ajar alaha idin kasiiyo aamiin.

  4. amina says:

    assalaamu caleykum wrx wbr
    salaan kadib walaalaha wbs nuxur maasha allaah
    allaha idinka ajar siiyo
    kheyrka aad ka shaqeyseen aniga waxaa qabaa fikir ah in maanta soomaaliya ay aad uliitaan caruurta iyo waayeelkaba
    una baahan yihiin cuntada fudud ee walalaalkeen cabdicasiis maaxaay uu ka hadlay ay u baahan yihiin in loo geeyo soomaaliya maadamaa ay adag tahay inay cunaan cunta adag
    asc

Leave a Reply

*